|
Afhayeenka ciidamada booliska dalka Kenya oo ka digay weeraro dumar loo adeegsado oo dalkaasi ka dhaca
Mogadishu Arbaco 3 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Afhayeenka ciidamada booliska dalka Kenya oo ka digay weeraro dumar loo adeegsado oo dalkaasi ka dhaca.
Saraakiisha booliska dalka kenya ayaa ka digay in xarakada al shabab oo somalia ka dagalanta dalka kenya ay ka geesato weeraro iyo qaraxyo
dumar ay u adeegsadaan.
Afhayeenka ciidamada booliska dalka Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in al shabab ay qorsheenayaan in ay falal
argigixisinimo ah ay ka geestyan safaaradaha dowladaha reer galbeedka ay ku leeyihiin dalka Kenya, xafiisyada dalka Kenya ay ka daganyihiin
hey’adaha caalamka ka jira, hotellada, suuqyada, maqaayadaha iyo goobaha kale oo ay dadku isugu yimaadaan, waxana afayeenku uu sheegay
in al shabab ay badaleen tactikadii lagu yaqiinay oo ay la soo baxeen farsamo ah in dumar ay u adeegsadaan falalka ay ku dhaqaaqayaan waa
sida uu hadalka u dhigay.
Eric Kiraithe afayeenka ciidamada dowladda kenya waxa kale oo uu sheegay in hey’adaha sirdoonka dalka Kenya muddooyinkii la soo dhaafay
ay heleen warbixinno muujinaya in wadamada ku yaala bariga Africa oo ay kenya kamid tahay Al shabab ay ka geesan rabaan falal
argigixisinimo ah maadaama uu sheegay in Al shabab haatan ay cadaadis xoogan dhanka Soomaaliya ay kala kulmeen islamarkaana laga qabsaday
magaalada kismaayo oo istaraatiiji ah sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan dowladda kenya ayaa isna waxa uu sheegay in il gaar ah ay ku eegayaan dadka kaga imaanaya dhanka
somalia oo ka soo talaabaya xadka maadaama uu sheegay in dagaalyahanno ajaanib ah ay isaga soo cararayaan deegaano ka tirsan jubbooyinka
sida uu yiri.
Kenya ayaa tan iyo markii ciidamadeeda somalia soo gelisay waxa ay deris la noqotay weeraro iyo qaraxyo inta badan mas’uuliyaddoodu ay
sheegtan Al Shabab.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|