Somali News
    Hees  

Wabiga shabeelle oo ku soo fatahay Gobolkii labaad kuna dhinteen 9- caruur ah.

Mogadishu Arbaco 3 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wabiga shabeelle oo ku soo fatahay Gobolkii labaad kuna dhinteen 9- caruur ah.

Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in wabiga Shabeele uu sameeyay fatahaad kadib markii uu soo buuxdhaafiyay biyaha.

Macalin Cabdi Axmed oo ka mid ah dadka ku dhaqan gobolkaasi ayaa sheegay in wabigu fatahaadiiisa uu yahay mid aad iyo aad u dheereynaya ayna jirto cabdi weeyn oo ay ka qabaan dadka ku dhaqan gobolkaasi iyo degmooyinkiisa.

Waxaa la soo sheegayaa in fatahaadda webigu ay ka socoto degmadda Mahaday iyo deegaano hoos yimaada Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in fatahaada wabiga uu ka geestay tuulo lagu magacaabo Hiliwaa oo ka tirsan Gobalkaasi.shabeelaha dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira fatahaadda webiga ayaa lagu soo waramayaa in ay qaadeen fatahadasi caruur gaareysa ilaa 9 iyo sidoo kalena ay qaadeen xoolo Nool oo aad u badan.

Dadka ku nool deeganada Wabiga Shabeele uu ku fatahay ayaa la sheegayaa inay guryahooda banaanka ka joogaan xoolo badana ay halkaasi wabiga ay ku qaadeen.mana jirto cid ilaa iyo hadda sameysay gurmad lagu badbaadinaayo dadka iyo duunyadda ku dhaqan gobolkaasi shabeelaha dhexe, iyadoo ay haatan magaala madaxdda gobolkaasi ay ku sii wajahan yihiin ciidamo huwan ah oo farabadan, kuwaasi oo doonaya inay gobolkasi ka tirtiraan kooxdda xag jiurka ah ee al shabaab oo udooyinkii ugu dambeyay haysatay gobolkasi.

Horay ayuu Webiga Shabeele uga soo fatahay Gobolka Hiiraan oo la deris ah Gobolkaasi shabeelaha dhexe fatahaadaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 60 Ruux tiro xoolo ah oo intaasio ka badana ay ku dhinteen sidaasi oo kale waxaana ku lumay hanti badan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)