Somali News
    Hees  

Kulan dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaankii hore ee Soomaaliya

Mogadishu Arbaco 3 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kulan dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaankii hore ee Soomaaliya.
 
Maxamed Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankaan dhexmaray xubno ka tirsan Baarlamaankii hore ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegay in ujeedooyinka kulanka ayaa wuxuu ahaa sidii xubnaha Baarlamaankii hore ee Soomaaliya ay ula shaqeyn lahaayeen Baarlamanka cusub ee Soomaaliya iyo sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ka maqan Baarlamaankii hore.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii Baarlamaankii hore ee Soomaaliya ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda iyo ammankooda in la ilaaliyo.

Dhinaca kale xubnaha Baarlamaankii hore ee Soomaaliya oo iyaganu halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay ka maqan tahay xuquuq fara badan, islamarkaana muddo sideed bilood ah aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayee Baarlamaanka Soomaaliya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)