Somali News
    Hees  

Kooxo Hubaysan oo Gobolka Mudug ku weeraray Samafalayaal Turkish ah

Mogadishu Arbaco 3 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxo Hubaysan oo Gobolka Mudug ku weeraray Samafalayaal Turkish ah

Dabley hubeysan ayaa shalay gelinkii danbe weerartay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen samafalayaal Turki ah iyo waasiiro ka tirsan maamul goboleedka Puntland meel u dhaxeysa magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Bacaadweyn.

Israsaaseyn dhaxmartay dableyda iyo ilaalada wafdiga ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay sarkaal sare oo ka tirsan samafalayaasha Turkiga iyo mid ka mid ah ilaaladii la socotay wafdiga.

Taliye ku xigeenka Booliska Maagaalada Gaalkacyo oo warbaahinta ls hsadlay ayaa ka warbixiyay qaabka ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in dabley hubyesan shalay gelinkii danbe ay wada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen samafalayaal Turkish ah iyo wasiiro ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Waxaa uu sheegay Taliye ku xigeenka in dableyda ay rasaas ku fureen gaadiidkii ay la socdeen wafdiga, waxaana uu tilmaamay in rasaataasi dhaawac fududu uu ka soo gaaray sarkaal sare oo ka tirsan samafalayaasha Turkiga.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Taliyaha in dableyda weerarka aheyd ay ka dileen hal ruux sideed kalena ay gacanta ku dhigeen kuwaasoo uu xusay in sharciga ay horkeeni doonaa.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)