|
QOSOL AAN QALBIGA JIRIN: Bashaar Al Asad oo kujira dabinkii uu u dhigay Qadaafi.! (Aqri sababta)
Gothenburg Arbaco 3 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha uu xaalku ku xunyahay ee dalka SUURIYA ee BASHAAR AL ASAD ayaa waxaa maanta soo baxday inuu ahaa ninka DABINKA u dhigay MUCAMAR AL QADAAFIGII LIBYA oo naloo sheegay inay dad caraysani ku dileen magaaladii uu ku dhashay ee SIRTA balse haatan ayay sheeko kale soo baxday.
Warsidayaasha the Daily Mail, the Daily Telegraph iyo ilo wareedyo kale ayaa daabacay in BASHAAR AL ASAD uu waaxda SIRDOONKA FARANSIISKA siiyay lambarkii telefoonkii SATELITE-ka ee QADAAFI taasoo sahashay in la MEELEEYO halka uu joogay, isagoo ballan kula galay in isaga laga leexiyo oo lagu dhibtiro cadaadiska reer galbeedku wadaan.
Deeto wakiil ay soo direen sirdoonka FARANSIISKA ayaa 20-kii Oktoobar ee 2011-dii wuxuu kasoo dhex dusay dad tira badan oo ku hareeraysnaa QADAAFI oo markaa laga soo saaray BULAACAD uu ku dhuumaalaysanayay wuxuuna ka toogey MADAXA.
Warsidaha Corriere della Serra ayaa tibaaxay in QADAAFI lagu khaarajiyay amar deg deg ah oo ka yimid madaxweynihii Faransiiska Nicola Zarkozy oo ka mid ahaa madax reer galbeed ah oo xiriir la lahaa qaarkoodna ay lacag ka qabeen Qadaafi kuwaasoo laga xusay Tony Plair iyo Silvio Berlusconi.
Hadaba Bashaar oo sida muuqata ballantii looga baxay maka badbaadi doonaa dabintii uu sxbkii u dhigay mise waxaa ku dhici doonta murtidii ''UKILTU YOOWMA UKILAT ATHOOWRUL ABYAD''....''Waxaa la i cunay maalintii SAC CADDE la cunay''.
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|