|
Kooxda LL PP Jeenyo oo dhulka dhigtey Hogaamiyayaashii horyaalka Soomaaliya ee Elman
Mogadishu Arbaco 3 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxda LL PP Jeenyo oo dhulka dhigtey Hogaamiyayaashii horyaalka Soomaaliya ee Elman
Kooxda kubadda cagta ee ll pp Jeenyo ayaa dhulka ku jiidey hogaamiyayaasha horyaalka heerka koobaad ee dalka Soomaaliya, markii galabta ay ku ciyaareen garoonka jaamacadaha ee Muqdisho oo horyaalka uu ka socdo.
Kooxdea Jeenyo oo ay u ciyaaraan ciyaaryahano Da;yar ayaa galabta soo bandhigtey ciyaar si weeyn uga heleen dhamaan taageerayaashii garoonka soo buuxiyey, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta kooxda Elman ay dhgalisey gool kaasi oo 1-0 ay ku hogaamineysay qeybta hore, sidoo kalena ciyaaryahan daafac ah oo ka tirsan Jeenyo laga saarey ciyaarta markii roose uu qaatey.
Qeybti labaad ay isbedeshey ciyaarta markaasoo Elam ay heleen fursad rigoore oo ay iska qasaariyeen, sidoo kale Jeenyo ayaa heshey rigoore iyaguna way iska lumiyeen, laakiin Jeenyo ayaa gool Pulusione ah dhalisey kana dhigtey 1-1.
Wixii ay ciyaartu socotaba waxaa mar kale LL PP Jeenyo ay heleen gool kale markii kubadda Pulusioone ahayd ay birta kusoo dhacdey uu heley xidiga lambarka 3-aad u sita Jeenyo kadibna u bedeley goolkii kaasi oo 2-1 ka dhigey ciyaaarya una dhameeyey Elman oo 10 ciyaaryahan looga adkaadey.
Elman inkastoo laga badiyey hadana weli waxay horyaalka ku hogaamineysaa 5 dhibcood walow kooxda kusoo xigta ee Heegan ay ciyaar dheeryihiin, horyaaalka ayaa aad u kululaadey waxaana lagu guda jiraa wejigii labaad ee horyaalka oo ay xiriirka kubadda cagta soo agaasimeen.
by C/xafiid zaciimka
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|