Somali News
    Hees  

Ciidamada Kenya oo dhufayso adag ka samaystay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose. (Daawo sawirada)

Mogadishu Arbaco 3 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Kenya oo dhufayso adag ka samaystay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose. (Daawo sawirada)

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay kontoroolada laga soo galo ama looga baxo magalada Kismaayo ay ka samaysteen dhufaysyo adag.

Ciidamada Kenya ayaa ka midka ah Howlgalka AMISOM ayaa iyagu degay goobaha Muhiimka ah ee Mgaalada Kismaayo, iyagoo la arkaayo `Ciidamada Kenya oo dabaabaad xooggan la maraaya wadooyinka Magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iyagu ka talin jiray magaalada Kismaayo ayaa iyagu si awood ah looga saaray magaaladaasi, iyadoo haatan Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ay wadaan howlgal ay ku doonayaan inay magaaladaasi si buuxda u xasilayaan ammaankeeda.

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa hadda sheegaya in ammaanka Kismaayo uu soo hagaagayo, iyadoo Ciidamada Huwanta ah ee Gobolka Jubada hoose ku sugan ay qorsheynayaan inay gobolkaasi gebi ahaanba ka sifeeyaan haraadigii Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaaya Gobolkaasi.











Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)