|
Sheekh C/raxmaan Janaqow : "Kooxda Al-Shabaab mar haddii Kismaayo laga ceyriyay way jabtay awoodoodii"
Mogadishu Arbaco 3 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Sheekh C/raxmaan Janaqow : "Kooxda Al-Shabaab mar haddii Kismaayo laga ceyriyay way jabtay awoodoodii"
Sheekh C/raxmaan Maxamuud Janaqow oo Wasiirka cadaaladda ka soo ahaa xukuumadii Ra’iisal Wasaaraha Cumar C/rashiid haatanna ku sugan wadanka Jarmalka, kana mid ah Mashaa'ikhda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladihii u dambeeyay dalka Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda magaalada Kismaayo iyo isbedelka ka dhacay.
Waxa uu sheegay Sheekh C/raxmaan Janaqow in kooxaha ururka Al-Shabaab oo dalka ka waday mudada ka badan afarta sano mabda’ qalafsan oo shacabka Soomaaliyeed, dalka iyo diintaba ku hayay dhibaatooyin kala duwan inay haatan wiiqantay awoodoodii isla markaana maalin kasta ay soo food saarayaan guul darrooyin is daba joog ah.
"Kooxda Al-Shabaab mar haddii Kismaayo laga ceyriyay way jabtay awoodoodii" ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Janaqow oo isagu si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada Xarakada ururka Al-Shabaab mar horena ka wada tirsanaayeen hoggaankii Maxkamadaha Islaamiga ah ee u qeybsamay Dowladda Madaxweyne Shariif iyo Ururka Al-Shabaab.
Sheekha ayaa sheegay in ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo ciidamada dalalka deriska ah ay ku guuleysteen inay kooxda Al-Shabaab wadanka intiisa badan ka saareen, wuxuuna ku booriyay ciidamada huwanta ah iyo shacabka Soomaaliyeed inay iska kaashadaan sidii loo dhameystiri kooxaha argagixisada ah.
Dhinca kale Mar uu ka hadlayay Sheekh C/raxmaan Janaqow mar haddii milateri ahaan loo cirib tiray qaabka lagu baabi’in karo kuwooda ku sugan dalka gudihiisa ee dadka ku baraarujiya in Soomaaliya uu jihaad ka jiro, waxa uu ugu baaqay Culumaa’udiinka, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka inay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa kuwa noocaas ah ee bulshada fasahaadka ka dhex wada.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|