|
Maj. Emmanuel Chirchir : " Ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada Soomaaliya hawlgalo ayay ka bilaabeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose...."
Mogadishu Arbaco 3 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maj. Emmanuel Chirchir : " Ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada Soomaaliya hawlgalo ayay ka bilaabeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose...."
Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegayin ciidamadooda iyo kuwa dawlada ay hawl galo ka bilaabeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose.
Hadal uu bogga Twitter,ka ku qoray Maj. Emmanuel Chirchir oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadooda oo ay la socdaan ay magaalada Kismaayo hawl galo amaanka lagu sugayo ka bilaabeen waxaana uu sheegay inay sugayaan amaanka magaalada.
Maj. Emmanuel Chirchir waxaa uu sheegay in ciidamada Kenya ay hadda si buuxda u maamulayaan magaalada Kismaayo waxaana uu intaa ku daray inay dadka deegaanka la kaashanayaan sugida amaanka magaaladaasi.
Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Kenya waxaa uu hadalkiisa sidoo kale ku sheegay inay caadi u shaqeynayaan hay’adaha amaanka sida saldhiga magaalada oo uu sheegay inay ciidamadooda iyo kuwa dawlada ku suganh yihiin diyaarna u yihiin inay amni darida wax ka qabtaan.
Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayuu afhayeenku sheegay inay hadda kadib si ku meel gaar ah uga joojiyeen diyaaradaha rayidka oo ay haddaba adeegsanayaan diyaaradaha militry,ga dawladiisa sida uu yiri.
“Amaanka magaaladu waa sugan yahay haddana hawl galo ayay ciidamadeenu ka wadaan dadkana waxaan ka codsanaynaa inay nabad galyada nagala shaqeeyaan” ayuu yiri Maj. Emmanuel Chirchir oo ka mid ah afhayeenada ciidamada Kenya.
Qaraxyadii ka dhacay magaalada Kismaayo ayuu sidoo kale mar uu soo hadal qaaday waxaa uu tilmaamay in qaar ka mid ah ay iyagu qarxiyeen midna uu ka dhashay bomb gacmeed lagu tuuray gaari ay wateen ciidamada dawlada Soomaaliya hase ahaatee uusan wax khasaaro ah u geysan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|