|
Xirfadaha cusub ee dilalka Alshabaab iyo dhaca askarta Dowlada oo sii kordhaya (labo dhacdo oo la yaab leh)
Mogadishu Khamiis 4 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xirfadaha cusub ee dilalka Alshabaab iyo dhaca askarta Dowlada oo sii kordhaya (labo dhacdo oo la yaab leh)
Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii kordheysa xirfadaha cusub ee dagaalyahanada Alshabaab u adgeesanayaan dilalka askarta Dowlada iyo dadka kale ee ay rabaan iyo cagsigeeda ciidamada Dowlada qaarkood oo sii kordhinaya xirfadaha ay dhaca shacabka u adeegsadaan.
Hadaba xirfadii ugu danbeysay ee shabaabku adeegsadeen gaar ahaan dhacdo ka dhacay xaafada suuqa Xoolaha ee degmada heliwaa ayaan soo qaadaneynaa sidan ayayna dhacday:-
Ugu badnaan 10 maalin ka hor ayay ahayd dil ka dhacay xaafada suuqa Xoolaha oo lagu fuliyay labo askari oo Dowlada ka mid ahaa ruuxii xasuusta laakiin sidee dilakaasi ku dhaceen waxaa dhacday in askari alshabaab ka tirsan uu taleefoon ka soo wacay askari Dowlada ka tirsan oo hore alshabaab u ahaa kaasoo markii uu telka ka qabtay u sheegay inuu doonayo sidii uu dhanka Dowlada isugu soo dhiibi lahaa sidaa daraadeedna uu ka dalbanayo inuu isaga meel suuqa xoolaha ka mid ah ugu yimaado kaligiis deetana uu kaxeeyo si uu isu dhiibo, gow labadooda waa isku reer laakiin maxaa dhacay?
Askarigii markii uu u yimid dagaalyahankii alshabaab ka tirsanaa ayay shaakadu is badashay oo waxaa ay noqotay naxdin uusan fileyn markii loo sheegay in la dilayo balse hore dilkaasi kama aysan fulin dagaalyahanada alshabaabe waxaa ay askarigii ku dhaheen waadba dhimaneysaaye askari kale oo kula dhinta u yeer markaasuu ma diidine inta telkisii la soo baxay u yeertay mid kale , maxaa xigey hadaba?
Kii loo yeerey durba waa yimid kadibna labadoodii ayaa sidaa lagu qaarajiyay waa dhacdo dhab ah.
Dhanka kale dhaca askarta dowlada qaarkood xirfadii ugu danbeysay waxay 4 habeen ka hor ka dhacday xaafada jungal degmada Yaaqshiid maxaa dhacay? waxay ahayd fiid hore salaadii cishaha ayaa soo dhaweyd baabuur qurxoon oo nuuca raaxada ah ayaa la soo dhigtay xaafada jungal bartankeeda gaar ahaan meesha ay xuduuda kala leedahay xaafada kale Towfiiq maxaa dhacay marka?
4-ta albaab ayaa loo balaqay kadibna afarta jid cade dadkii isaga kala gooshayay ayaa mar la wada istaajiyay markaasoo ay durba gacanta ku dhigeen afar ruux oo badankood hal wado ka yimid kuligoodna waxay ka qaateen mobile gacmeedyo ay wateen, laakiin nasiib wanaag koox rag iyo dumar isugu jirey oo isla socda ayaa wadada ku yimid kuwaasoo badnaa hadana sheekeysanayay taasina waxaa ay soo dedejisay in kooxihii wax dhacayay cabsadaan kadibna ay halkii ku soo afjaraan iyagoo la carary baabuurkii waxaana ay qaateen laakiin afartii mobile.
mid ka mid ah dadkii ku yimid wadada ayaa noo sheegay inay arkayeen dad geed yuhuuda dhexdiisa ku dhex jira laakiin waxay qaateen sida uu sheegay wax iska caadi ah madaama baabuur aan laga fileyn burcada,sidoo kale haweeney ayaa u fahamtay dad gaarigu bacada ka galay laakiin markii ay soo dhawaadeen ayay wax kasta kala cadaadeen oo gaarigiina cararay sidaana dadkii la dhacay oo ay yaqaaneen ugu sharaxeen wixii qabsaday.
W/qorey Liibaan M.H
caaqil2019@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|