|
Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka gaabisay inay safaaradaha Soomaaliya geyso sawirka madax weynaha cusub
Mogadishu Khamiis 4 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka gaabisay inay safaaradaha Soomaaliya geyso sawirka madax weynaha cusub.
wasaarada arimaha dibada ayaa ka gaabisay in ay siiso sawirka madax weynaha cusub professor Xasan sheekh Maxamuud safaaradaha Soomaaliya ee ku yaal dalalka kala duwanoo caalamka.
Sawirka madax weynihii hore eelaga guuleystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ilaa haatan suran xafiisyada safaaradaha soomaaliya taasoo si cad u muujineysa heerka wax qabad ee sida aadka ah u liita ee wasaarada arimaha dibadaoo ah halkalaga daawanayo siyaasada dibada ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale qaar badanoo kamid ah safaaradaha soomaaliya ayaa ah kuwa cidlo ahoo iska haawanaya maadaama aysan cagta soo dhigin safiirada iyo qunsuliyada taasoo u horseeday in safaaraduhu ay howl gab noqdaan, waxaana madax weyne professor Xasan sheekh Maxamuud la gudboon in uu si deg deg ah wax uga qabto safaaradaha soomaaliya ee ku yaal caalamka una magacaabo dad karti iyo aqoon lagu soo xulay howshoodana si wadanimo leh u gudanaya.
Safiirka soomaaliya ee dalka kenya Ambasador Maxamed Cali Americooo kaliya ayaa u muuqda safiir si dhab ah u gutay howshii qaranka u xilsaaray, waxaana lama huraan in la helo safiiro dhiig cusub geliya siyaasada arimaha dibada ee jamhuuriyada federaalka soomaaliya, dhinaca safaaradaha qaar ayaan heysan calanka rasmiga ah ee jamhuuriyada federaalka ee soomaaliya taasoo ku khasabtay in ay surtaan calan macmal ahoo aan xitaa midab ahaan shaabihin calankeena buluuga khafiifka ah.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|