|
Cali Dheere : "Hadii Soomaalida maanta jihaadin Kismaayo waxay la mid noqoneysaa Gaarisa iyo Mandhera, halkaas ayaana looga talin doonaa.."
Mogadishu Khamiis 4 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Cali Dheere : "Hadii Soomaalida maanta jihaadin Kismaayo waxay la mid noqoneysaa Gaarisa iyo Mandhera, halkaas ayaana looga talin doonaa.."
Cali Maxamuud Raage "Cali Dheere" Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab oo ka hadlayay Warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa ku goodiyay in weeraro habeen iyo maalin ah ay ku qaadi doonaan ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada ee qabsaday dhawaan magaalada Kismaayo.
Waxaa uu sheegay Cali Dheere inaysan hurda ku ladi doonin magaalada Kismaayo ciidamada soo duulay sida uu hadlka u dhigay, waxaaana uu intaas ku daray Kenya inay dooneyso in Kismaayo ay hoos-geyso magaalooyinka Gaarisa iyo Mandheera.
"Gaalada soo duushay waxay dooneysaa kheyraadkeena inay gurtaan, inagana ma aqbali doono, waxaan ka saari doonaan meelihii ay ku soo duuleen, habeen iyo maalin hurdo ma ladi doontaan"ayuu yiri Cali Dheere.
Cali Dheere Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab ayaa ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada Jubooyinka inay u istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen deegaanadooda, si kheyraadkooda aan loo guran.
"Hadii Soomaalida maanta jihaadin Kismaayo waxay la mid noqoneysaa Gaarisa iyo Mandhera, halkaas ayaana looga talin doonaa"ayuu si kulul u yiri Afhayeenka guud ee Al-shabaab cali Maxamud Raage.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sabtidii la soo dhaafay isaga baxay magaalada Kismaayo oo aheyd meesha ay ka helaan dhaqaalaha ugu badan, waxaana kooxda ay ku goodineysaa in ciidamada qabsaday Kismaayo ay ka saarayaan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|