Somali News
    Hees  

Raila Odinga : "QM ayaa kala hadlaynaa dhaqaalaha ay qeyb ahaan heli karaan ciidamada Kenya ee hadda ka mid ah kuwa midawha Africa ee AMISOM..."

Mogadishu Khamiis 4 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Raila Odinga : "QM ayaa kala hadlaynaa dhaqaalaha ay qeyb ahaan heli karaan ciidamada Kenya ee hadda ka mid ah kuwa midawha Africa ee AMISOM..."

Ra'iisul wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa ka hor sheegay kulan baarlamaanka dalkaasi ku yeeshay magaalada Nairobi inay Q,M kala hadleen dhaqaalaha ay qeyb ahaan heli karaan ciidamada Kenya ee hadda ka mid ah kuwa midawha Africa ee AMISOM.

Raila Odinga waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inuu jiro wada hadalo ay dawladiisu la yeelatay Q,M kaasoo ku saabsanaa in ciidamada Kenya ay helaan dhaqaalo ay kui wadaan hawlgalka ka socda Somaaliya sida uu yiri.

Ciidamada Kenya ayuu xusay inay Soomaaliya ka qabteen hawl muhiim ah oo ay Al-Shabab ka saareen magaalo muhiim ah waxaana uu intaa ku daray inay willi Q,M kala hadlayaan dhaqaalaha ciidamadaas.

"Waxaanu wadnaa wada hadaladii ugu dambeeyay ee arrimaha dhaqaalaha ku saabsan" ayuu yiri Raila Odinga R/wasaaraha Kenya waxaana uu tilmaamay in Kenya ay dhaqaalo badan ku bixisay hawl galkaasi oo uu sheegay in amaanka Kenya dartiis ay Soomaaliya u soo galeen.

Illaa iyo 17 askari ayuu sheegay inay ku waayeen dagaalada ay ciidamadiisu ku jiraan ee Soomaaliya ka socda, halka tiro kalena ay uga dhaawacmeen.
Ciidamada Kenya muddo sanad ah ayay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya iyagoona Al-Shabab ka saaray magaalada Kismaayo oo Shabab muhiim u aheyd.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)