|
Victoria Nuland : "Waxaan uga digayaa Ciidamada Huwanta ah ee Kismaayo ku sugan inay ku kacaan falal ka baxsan bini’aadanimada oo ay dadka rayidka ah dhibaateeyaan.."
Mogadishu Khamiis 4 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Victoria Nuland : "Waxaan uga digayaa Ciidamada Huwanta ah ee Kismaayo ku sugan inay ku kacaan falal ka baxsan bini’aadanimada oo ay dadka rayidka ah dhibaateeyaan.."
Dawlada Maraykanka ayaa uga digtay ciidamada huwanta ah ee ku sugan magaalada Kismaayo inay ku kacaan falal ka baxsan bini’aadanimada oo ay dadka rayidka ah dhibaateeyaan.
War saxaafadeed ka soo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya ee dhawaan la wareegay gacan ku haynta magaaladda Kismaayo looga baahan yahay inay dhawraan xaquuqda dadka rayidka ah ee magaaladaasi ku sugan.
War saxaafadeedka ayaa uga digay ciidamada inay ku xad gudbaan dadka rayidka ah oo aysan wax dhibaato ah u geysan oo ay illaaliyaan xeerka xaquuqda aadanaha.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka haweeneyda la yiraahdo Victoria Nuland ayaa ka sheegtay magaalada Washington inay soo dhaweynayaan ka saaridii Al-Shabab ee Kismaayo haddana ay uga digayaan ciidamada inay dadka rayidka ah ku xad gudbaan.
Sidoo kale Victoria Nuland waxay ku baaqday in magaalada deg deg loo xasiliyo amaankeeda dadkuna ay nabad uga shaqeystaan magaalada iyadoo loo dhisayo maamul lagu qanacsan yahay.
Maraykanka ayaa taageera ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada xilliyadda ay dagaalada kula jiraan ciidamada xarakadda Al-Shabab
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|