Somali News
    Hees  

Howlgalo lagu xaqiijinaayo ammaanka oo ka soconaaya Magaalada Kismaayo

Mogadishu Jimco 5 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Howlgalo lagu xaqiijinaayo ammaanka oo ka soconaaya Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Juabada Hoose ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo ay haatan Ciidamada Dowladda ka wadaan Howlgal ammaanka lagu sugaayo, iyadoo Ciidamadu uwa dhibaatada ka dhexwada shacabka Kismaayo.

C/naasir Seyraar oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Ururka Raaskambooni ayaa shaagey inay wadaan baaritaanno ku aadan wax ka qabashada Xaaladda Ammaan ee Magaalada Kismaayo si ay u xaqiijiyaan ammaanka magaaladaasi.

Sarkaalkaasi waxa uu sheegay inay jiraan rag ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, islamarkaasina ay ku socdaan Baaritaanno ay ku doonayaan inay gacanta kusoo dhigaan rag dambiyo ka geystay gudaha magaalada kismaayo.

Seeraar waxa uu sheegay inay jiraan Rag ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowaldda Soomaaliya, islamarkaasina waxa uu sheegay in qofkii Dambi lagu waayo oo ay ciidamadu qabtaan in la sii dayn doono, wuxuuna sidoo kale sheegay oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Ciidamada Dowladda ay Magaalada Kismaayo ka geystaan falaal dilal ula kac ah isagoo hadlakaasi beeniyay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)