Somali News
    Hees  

Agostin Mahiga : "Muqdisho xaaladeeda waa mid wanaagsan, dhawaqii Rasaastana waxaa badalay Dhawaqa dhismaha Guryaha iyo dib u dhiska socda..."

Mogadishu Jimco 5 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Agostin Mahiga : "Muqdisho xaaladeeda waa mid wanaagsan, dhawaqii Rasaastana waxaa badalay Dhawaqa dhismaha Guryaha iyo dib u dhiska socda..."

Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ugu qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Agostin Mahiga oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya aya waxaa uu ka hadlay Xaaladda Dalka Soomaaliya.iyo Xiligaan halka ay mareyso iyo weliba sida ay u aragto beesha caalamka.
Waxaa uu sheegay in haatan Dalka uu is badal ka dhacay gaar ahaan Magaalada Muqdisho Xaaladdeeduna tahay mid soo Wanaagsaneeysa.xiligaan mar hadii ay soomaliya ka baxday KMG nimadii

Wakiilka Xogahayaha guud ee qaramadda midobay Mahiga ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada aad arkeyso Waqti dambe Dad socda taasina ay muujineyso in Magaaladu Xilligani ay tahay mid nabad ah ayna soo yaraayaan koxihii wax dhibaateyn jiray

Agustino Mahiga hadalkiisa ku daray in Magaalada Muqdisho dib u dhis wanaagsan uu ka socdo isla markaasina dhawaqii Rasaasta uu badala dhawaqa dhismaha Guryaha ee ka soconaya Magaalada Muqdisho .

Waxaa sheegay in Soomaaliya ay haatan u taalo Howllo badan taasi oo u baahan in wax laga qabto sida dhinaca nabadgalyadda iyo Xasiloonida Dalka,isla markaasina loo baahan yahay in Madaxweyne Xasan Sheikh maxamuud waxyaabaha uu ugu horeeya ee uu qabanaaya ay noqoto sugida dhinaca Nabadgalyadda isagoo weliba raacaya rabitaanska Shacabka Soomaaliyeed.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)