|
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xog wareysiyo la kala yeeshay Ragga uu damaca kaga jiro qabashada xilka Ra'isalwasaaraha dalka Soomaliya
Mogadishu Jimco 5 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xog wareysiyo la kala yeeshay Ragga uu damaca kaga jiro qabashada xilka Ra'isalwasaaraha dalka Soomaliya
Madaxweynaha dhawaan sida Dimoqoraadiyada leh loo doortay Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay saddex murashax oo ka mid ah 11 xubnodod oo laga soo xulay labaatameeyo xubnood oo xilka ra'iisul wasaaraha u taagnaa, iyadoo lagu wado in madaxweynuhu uu ra'iisul wasaaraha ku dhaawaqo inta lagu gudo jiro 48-ka saacadood ee soo socda.
Ragan uu madaxweynuhu kasoo reebay xubnihii isku soo taagay qabashada xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuusan ka mid aheen ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn loo filayay in xilkan loo magacaabo.
Murashaxiinta ugu cad-cad ee uu madaxweynuhu la kulmay ayaa waxay kala yihiin: Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah ganacsade deggen dalka Kenya, kana mid ahaa xubnihii wax ka dhisay xisbiga Rajo iyo xisbiga nabadda iyo horumarka ee uu kasoo jeedo madaxweynaha Soomaaliya.
Cali Ciise Cabdi oo isna ah mas'uul horay uga soo shaqeeyay Bankiga Adduunka isla markaana deggen dalka Itoobiya, waxaana mas'uulkan olole ugu jira inuu xilkaas qabto maamulka Khaatumo oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.
Sidoo kale, waxaa ka mid ah xubnahan wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ah mas'uul in badan siyaasadda kusoo jiray, waxaana lagu xusuustaa inuu sare u qaaday xiriirka Puntland iyo dalalka kale ee caalamka markii xilkan loo magacaabay.
Xubanahan saddexda ah ayaa waxay ugu cad-cad yihiin 11 xubnood ee madaxweynaha uu kasoo saaray xubnihii tirada badnaa ee damaca uu kaga jiray qabsahada xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ra'iisul wasaaraha ku dhawaaqo labada casho ee soo socota, iyadoo xilligii uu haystay ay ka dhiman tahay wax ka yar hal toddobaad.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|