Somali News
    Hees  

Mwai Kibaki : "Amaanka wadamada deriska ah waa mid ku xeran dalka Somalia..."

Mogadishu Jimco 5 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Mwai Kibaki : "Amaanka wadamada deriska ah waa mid ku xeran dalka Somalia..."

Madaxweynaha dalka kenya Mwai Kibaki oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya ayaa sheegay in amaanka wadamada deriska la ah Somalia ay ku xerantahay nabad ka dhalata dalka Somalia , waxana uu ka dalbaday wadamada kale ee bariga Africa inay ka sahaqeeyaan sidii ay dowladda Somalia ay uga gacan siin lahaayeen sugidda amaanka dalka Somalia si uu cagihiisa isugu taago.

Mwai Kibaki ayaa waxa uu sheegay in Somalia haatan ay taagantahay meesha ugu haboon ee lagu gacan qabo karo maadaama si uu sheegay ciidamada kenya iyo ciidamada ay wadaagaan magaca AMISOM ay wiiqeen awooddii xarakada Al shabab.

"Xaaladda amaan ee Somalia oo faraha ka baxda waxa ay inoo keeni doontaa amaan darro balse haddii aan dowladda ku taageerno hanashada dalka Somalia oo dhan , waxa aynu ku noolaan doonaa horumar iyo barwaaqo"ayuu yiri madaxweynaha dalka kenya Mwai Kibaki.

Mwai Kibaki dhinaca kale waxa uu sheegay in dowladdiisu ay aad u adkeeneyso xadka ay la waadgto Somalia islamarkaana boolis fara badan ay geenayaan gobolka waqooyi bari dalka kenya si looga hortago falal argigixisinimo ah oo dagaalyahanno ka tirsan Al shabab oo ka soo gudbay dhanka Somalia ay ka geestaan dalka kenya .

Dowladda kenya ayaa muddooyinkii la sii dhaafay cabsi xoogan ka muujineysay weeraro kaga yimaada dhanka Al shabab iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay dadka ku nool dalkeeda ay ka codsaneysay inay la shaqeeyaan oo ay ku suu wargeliyaan haddii ay dareemaan falal amaanka kenya wax u dhimaya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)