|
Ciidamada Booliiska Soomaaliya, Nabad-sugidda iyo Booliiska AMISOM oo xalay Baaritaanno ka sameeyay Magaalada Muqdisho
Mogadishu Jimco 5 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Booliiska Soomaaliya, Nabad-sugidda iyo Booliiska AMISOM oo xalay Baaritaanno ka sameeyay Magaalada Muqdisho
Xoogagga Booliska Soomaaliya kuwa nabadsugidda iyo booliiska Midowga Africa ee AMISOM ayaa xalay howlgalo ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho kuwaasoo ay kusoo qabqabteen dad fara badan oo qaarkood lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Argagixisada ee Al-shabaab.
Howlgalkii xalay ay Muqdisho ka sameeyeen Ciidamadasi kala duwan ee Iskaashanaaya ayaa wuxuu noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo laga sameeyo xaafado ka tirsan degmooyinka ay ka dhaceen falalkii ammaan-darro ee ugu dambeeyay, iyadoo saraakiisha booliiska Soomaaliya ay ka gaasbadeen inay ka warbixiyaan dadkii ay kusoo qabqabteen howgalka.
Degmooyiinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ayaa noqoday meelaha ugu xoogan oo howlgalada ay ka sameeyeen Ciidamadan kuwaasoo ahaa goobaha ugu badan ee ay xilliyadii ugu dambeeyay ka dhacayeen falalka ammaan-darada iyo dilalka qorsheysan.
Waxaa degmooyinkii xalay howgallada laga sameeyay la sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee howgallada sameynayay ay wateen gaadiid dagaal oo fara badan.
Taliyaha Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir, wuu ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka ay ku soo qabqabteen howgalladaas, isagoo sheegay in howlgalladan ay soconayaa inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee Muqdisho.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|