|
Askari Itoobiyaan ah oo dilay askari Soomaali ah
Mogadishu Sabti 6 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Askari Itoobiyaan ah oo dilay askari Soomaali ah
Askari ka tirsan ciidanka Itoobiya ee jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kalena dhaawacay labo kale.
Wararka ayaa sheegaya in askariga Itoobiyaanka uu rasaas ku furay saddexda askari ee Soomaalida ah kaddib markii ay diideen amar uu ku siiyay inay ka degaan gaari ay wateen.
Mid ka mid ah askarta la dhaawacay waxa uu ka mid yahay ilaalada guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Maxamed Faarax Qoorsheel, waxaana dhaawaciisa lagu daweynayaa isbitaalka guud ee magaalaa Beledweyne.
Ilaa hadda ma jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya oo ka hadlay falka dhacay.
Dilkan ayaa tirada la og yahay ee dadka Soomaaliyeed ee ay dileen ciidanka Itoobiya ka dhigeysa 13 tan iyo markii ay ku soo noqdeen gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya bishii November ee sanadkii hore si ay ula dagaallamaan maleeshiya al-Shabaab.
Xigasho: Radio bar-kulan
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|