Somali News
    Hees  

Ruux isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay Koontoroolka laga galo degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose

Mogadishu Sabti 6 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ruux isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay Koontoroolka laga galo degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Qarax Ismiidaamin ah isla markaana uu fuliyay ruux naftii haliga ah ayaa goor dhow waxaa uu ka dhacay Koonatroolka laga galo degmada Afgooye Baar Ismaaciil ee gobolka Shabeelada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday ciidamada Dowlada ee ku sugan koontarolka Degmada Afgooye, waxaana la tilmaamayaa ruuxa is qarxiyay inuu xirnaa dareyska ciidamada Dowlada lagu yaqaano.

Lama oga qasaaraha ka dhashay qarxaasi inta uu la’egyahay hase yeeshee wararka ayaa la helayo ayaa xusaya in qaraxa uu ka dhacay meel ay buuxeen ciidamada dowlada.

Wararaka ayaa sheegaaya ruuxa is qarxiyay inuu ku qarxay meel banaan ah isla markaana aanu jirn wax qasaare ah uu geystay, hase yeeshee war ka duwan kaasina waxaa uu sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday ciidamo Military ah oo la doonayay in loo diro farumha dagaalka ee gobolka shabeelada Hoose.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)