Somali News
    Hees  

Kulan dhexmaray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Odayaasha Dhaqanka

Mogadishu Sabti 6 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kulan dhexmaray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Odayaasha Dhaqanka.

Waxaa manta kulan isugu yimid mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka kulankaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo kulankaasi talooyin looga dhageystay Odayaashii ka qeyb galay kulanka.

Iyadoo xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa ahaa Fadhigii Koobaad ee kale fadhiga 12 aad waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha baarlamanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari".

Sidoo kale kulanka oo u jeedkiisu ahaa sidii Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay talooyin u siin lahaayeen xildhibaanada Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadiray 200 oo mudane iyo 135 Odayaal Dhaqameed waxaana kulanka lagu qabtay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Waxaa halkaasi dardaaran ka jeediyay odayaashiika ka qeyb galay kulanka oo u dardaarmay baarlamaanka inay ka shaqeyaan dhismaha hay’adaha dowliga ah waxa ayna ugu baaqeen in ay ka foojignaadaan wax waliba oo habacsanaan ku keenikaro habsami u socodka hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed ay ugu nolaadaan harka dowladnimo.

Waxaa sidoo kale kulanka hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamanka Prof Jawaari waxa uuna tilmaamay in baarlamanka uu qaadanayo talooyinka ay u soo jeediyeen Odayaasho isagoona carabka ku dhuftay in baarlamanka ay ku shaqeyn doonaan rabitaan shacabka Soomaaliyeed.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)