|
Shirkii Madaxweynuhu Iskugu Yeedhay Golaha Wasiirada Oo Lagaga Hadlay Waxyaabihii U Qabsoomay Muddadii Xukuumaddu Xilka Haysay
Hargeysa Sabti 6 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shirkii Madaxweynuhu Iskugu Yeedhay Golaha Wasiirada Oo Lagaga Hadlay Waxyaabihii U Qabsoomay Muddadii Xukuumaddu Xilka Haysay
Shirkii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iskugu yeedhay Golihiisa Wasiirada ayaa maanta ka furmay Xarunta Madaxtooyadda, kaas oo soconaya muddo saddex maalmood ah.
Shirkan oo uu furay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa ujeedadiisa lagu sheegay in lagaga hadlayo waxqabadka xukuumadda ee labadii sanadood ee u dambeeyay ee waxyaabihii aan qabsoomin iyo sidii loo dejin lahaa qorshayaal horumarineed oo la xidhiidha mudada xukuumadda u hadhay, sida uu Khamiistii Todobaadkii hore sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul Shirkan maanta furmay.
Shirkan Golaha Wasiirrada ayaa lagu wadaa in la dejiyo qorsheyaal lagu waajahayo caqabadaha ka horyimid Wasaaradaha kala duwan ee dalka.
Shirkani waa kii u horeeyay ee noociisa ah ee Golaha Wasiirradda ku soo bandhigaan waxqabadkoodii, waxaana laga soo saari doonaa qorsheyaal ay kaga gudbayaan wixii carqaladaas lagaga baxayo.
Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|