Somali News
    Hees  

Colonel Cyrus Oguna: "Ma dooneyno in na loo argo qabsasho aan qabsaneyno dalka Soomaaliya , waa in dadka Soomaalida ay arintaasi niyadda ay ka saaraan"

Mogadishu Sabti 6 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Colonel Cyrus Oguna: "Ma dooneyno in na loo argo qabsasho aan qabsaneyno dalka Soomaaliya , waa in dadka Soomaalida ay arintaasi niyadda ay ka saaraan"

Afhaayeenka ciidamada kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM Colonel Cyrus Oguna ayaa shacabka soomaaliyeed ka dalbaya in howlgalka somalia kenya ay ka wado aysan u fahmin qabshaho ay qabsaneyso dhul ka tirsan dalka somalia balse ay dooneyso inay nabad ka dhaliso dalka somalia si wadamada bariga africa ku yaala ay u noqdaan kuwo ku talaabsada horumar.

Colonel Cyrus Oguna, ayaa sheegay in dad badan oo soomaali ah niyadooda ay ku jirto in kenya ay danleedahay inay si toos ula wareegto degadda magaalada kismaayo islamarkaana ay maamusho daqliga somalia degadaasi ka soo gala waxana uu sheegay in arimahaasi aysan sal iyo raad toona laheyn oo ciidamada kenya somalia u galeen sidii ay ula dagaalami lahayeen waxa uu ugu yeeray argigixisada oo uu sheegay in dalka kenya qal qal dhinaca amaanka ay geliyeen.

"Ma dooneyno in na loo argo qabsasho aan qabsaneyno dalka Soomaaliya , waa in dadka Soomaalida ay arintaasi niyadda ay ka saaraan" ayuu yiri Afhaayeenka ciidamada kenya Colonel Cyrus Oguna

Ciidamada kenya ee somali ku sugan ayaa qeyb waxa ay ka yihiin howlgalka AMISOM, iyadoo dad badan oo Soomaali ah ay kenya u arkaan in ujeedooyin qarsoon Soomaaliya ay ka leedahay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)