Somali News
    Hees  

Maamul goboleedka Puntland oo dhankooda soo dhaweeyay Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Mogadishu axad 7 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maamul goboleedka Puntland oo dhankooda soo dhaweeyay Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
 
Maamulka goboleedka Puntland Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyay magacaabida R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya kaasoo shalay gelinkii danbe uu uku dhawaaqay madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Waxay Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.

Waxay Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.

Waxay kaloo diyaar u tahay inay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.

Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]

sida:

• Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya,

• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah

• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya

• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.

Ugu damayntii waxay maamul Goboleedka Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)