Somali News
    Hees  

Dowlada Ingriiska iyo Midowga Afrika oo soo dhoweeyay raisulwasaaraha cusub ee Somaliya

Mogadishu axad 7 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dowlada Ingriiska iyo Midowga Afrika oo soo dhoweeyay raisulwasaaraha cusub ee Somaliya

Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska ururka midowga Africa ayaa lagu taageeray magacaabistii raisulwasaraha cusub ee Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo loo yaqaan Saacid.

Ku xigeenka ergayga gaarka ururka midowga Africa Ambassador Bubakar Diara ayaa ugu hambalyeeyay Cabdi Faarah magacaabista loo doortay in uu noqdo raisul wasaaraha Jamuriyada Somaliya, Diara ayaa sheegay in guul weyn ay tahay soo dadjinta magaacaabista raisulawasaraha taasoo ahayd guul markale u soo hoyatay dadka Somaliyed.

“Tani waxay markale guul u tahay dadka Somaliyed ee soo maray sanado fowdo iyo dhibaatooyin ahliya,waxaana rajeynayaa in raisulwasaaruhu uu la soo boxo karti iyo hufnaan dhinaca shaqada ah taasoo dalka kaga gudbinayo dhibaatooyinka horyaala, oo maamulkiisana uu ku dhisnaan doono dowlad wanaag cadaalad iyo xisaabtan, ayuu yiri ambassador Bubakar Diara.

Diara ayaa sheegay in midowga Africa ay sidoo kale il dhow ku dhowrayaan dhismaha golaha wasiirada ee xukumada raisulwasaare Cabdi Faarax sida ugu dhaqsiyaha badan.

“AMISOM waxaa marwaliba cadeyneysaa in ay idin garabtaagantahay, oo ay la shaqeyn doonto dhamaan hayadaha cusub ee dowlliga ah, ayuu hadalkiisa sii raaciyay ambassador Bubakar Diarra.

Ururka Midowga Africa ayaa taageero balaaran siiya dowlada Jamuuriyada Somaliya iyadoo qaarkamida dalalka gobllka bariga Africa ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka Somaliya kuwaasi oo gacan ka siinaya ciidamada Somalida dagaalada ay kula jiraan xarakada Alshaabab oo ka soo horjeeda jiritaanka dowlada Jamuuriyada Somaliya.

Dhinacakalena wasiirka Africa u qaabilsan dowlada Ingriiska Mark Simmon ayaa soo dhoweeyay magaacabista raisulwasaraha cusub ee Somaliya Cabdi Faarah isagoo sheegay in dowlada Britian ay garab istaagi doonto xukumada raisulawasaare Cabdi Faarax,

Mar Simmon waxaa uu xusay in Britian ay aad ugu rajo weyntahay in mar un la arki doono horumar dhinac waliba leh oo ka hanaqaada gayiga Somaliya inta lagu gudo jiro afarta sano ee soo socota.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)