|
Banaanbaxyo lagu taageerayo ra'iisul wasaraha Cusub ee Soomaaliya oo ka kala dhacay Gobolada Dalka Soomaaliya
Mogadishu axad 7 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Banaanbaxyo lagu taageerayo ra'iisul wasaraha Cusub ee Soomaaliya oo ka kala dhacay Gobolada Dalka Soomaaliya.
Isku soo baxyo balaaran oo lagu taageerayo R/wasaaraha cusub ee soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta waxa ay ka dhaceen qaar ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay degmooyinka Guriceel, Dhuusa Mareeb iyo Caabudwaaq, waxaana dibadbaxyadaasi sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiinta Ahlusuna Waljamaaca.
Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Taar-dhuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shacabka ku nool degmada ay taageersanyihiin madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo R/wsaarahiisa.
Dadweynihii isugu soo baxay banaan baxa ayaa watay calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, iyadoo socod ku maray wadooyinka, ilaa ugu dambeyn ay isugu soo baxeen fagaare, halkaasoo ay kula hadleen Mas’uuliyiinta Ahlusuna.
Banaan bixii ugu ballaarnaa ayaa ka dhacay degmada Caabudwaaq oo Ra’iisul Wasaaruhu deegaan ahaan ka soo jeedo, isla markaana uu ku dhashay, iyadoo dadweynaha banaan baxa ka qeyb galay ay siteen sawirka Ra’iisul Wasaaraha cusub.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon ayaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo karti iyo aqoon u leh sii ambaqaadida howlaha hor-yaala dowladda.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|