|
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo soo dhaweyay R/wasaaraha Cusub ee Somalia
Mogadishu axad 7 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo soo dhaweyay R/wasaaraha Cusub ee Somalia
Kadib Marki uu Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud u soo Magacaabay R/wasaarha Cusub ee Somalia Mr Saciid Farax Garaad ayaa waxa markiba bilaabmay Taageero kala duwaan oo lo mujiyay.
Maamulka Ahlusunna Waljamacaa waxaa uu ka mid yahay Maamulada Misanka leh ee ka jira Somalia waxaayna si diiran u soo dhaweyeen R/wasaaraha Cusub ee Somali Mr Saciid Farxa Garaad.
Gudomiyah Ahlusunna Gobolada Konfureed Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo asago ku sugan Magaalada Doolow khadka teleefonka ugu waramayay mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu siweyn u soo dhaweyay R/wasaaraha Cusub ee Somalia waxana uu shegay in Maamulka iyo Ciidamada Ahlusunna ay diyaar u yihiin in ay garaab istaagan Xukumada Cusub ee uu hogaaminaayo Mr Saciid Farax Garaad.
Sido kale Gudomiyaha Ahlusunnada Gobolada dhexe Sh Ibrahiim Sh Xasan Guureeye ayaa asagana dhankiisa waxaa uu si diiran u soo dhaweeyay R/wasaaraha Cusub ee Somalia waxana uu shegay in Ahlusunna meel walba oo ay joogta ay si weyn u Garaab istaagi doonto R/wasaaraha Cusub ee Somalia iyo Xukumadiisa.
Ahlusunna Waljamaca ayaa waxaay noqonaysa Maamulki ugu horeyay ee misaan ku leh Somalia oo soo dhaweyay R/wasaaraha Cusub ee Somalia Mr Sacid Farax Garaad waxaayna balan qadeen in ay dhankasta kala shaqayn doonan.
Maxamed Cabdilahi Muuse
Warbaahinta@aol.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|