Somali News
    Hees  

Ciidamada Amisom iyo Kuwa dowlada Soomaaliya oo caawa dul fadhiya Degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay

Mogadishu axad 7 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Amisom iyo Kuwa dowlada Soomaaliya oo caawa dul fadhiya Degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay

Malayshaadka Kooxda Alshabaab ayaa caawa isaga baxay Degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay ka dib markii ay ka war heleen in ciidamo aad u xoogan oo isugu jira Amisom iyo Ciidamo Soomaali ah.

Dad ku sugan Degmada Buurhakaba ayaa somaliweyn.com u sheegay in caawa fiidkii ilaa galinkii dambe ee maanta ay Shabaabku wadeen faarujinta magaalada waxana hore isku sii raacay Malayshaadkii Degmadasi iyo kuwa kale oo xalay isaga soo cararay Degmada Wanleweyne ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Malayshaadka Alshabaab ee ka baxay degmada Buurhakaba ayaa la soo sheegayaa in ay ku firxadeen dhulka howdka ah ee kulaalada Gobalada Jubooyinka halkaas oo la filanaayo in dhamaan horjoogayaashii laga soo raacdeeyay degaanadii ay maamuli jireen in ay isku uruursanayaan.

Warar hoose oo la helaayo ayaa sheegaaya in ciidamo fara badan oo Ethopian ah ay ka dhaqaaqeen Degmada Qansax dheere iyagoo wajahay Gobalada Jubooyinka halkaas oo ay qorsheenayaan in ay ku sii baacsadaan firxadka Alshabaab ee habqanka ah

Alshabaab ayaa dhabarjab iyo Niyad xumo kala kulmay ka dib markii laga qabsaday Magaaloyin Muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen Sida Afgooye,Marka,Wanleweyn,Balcad,Baydhabo.Xudur.Baladweyne iyo Kismaayo

Dadka Odorosa Siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in ay soo dhowdahay Nabada Soomaaliya mar hadii la wiiqay awoodii Alshabaab lakiin waxaa ay ka digayaan in fursadaas la haysto aan laga faa,ideysan,

Kooxda xagjirka ah ee Alshabaab ayaa ku hungowday damacoodii ahaa in ay talada ka tuuraan dowlada aan awooda badan laheen oo ay reer galbeedka taageeraan balse waxaa damacaasi hor istaagay ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)