Somali News
    Hees  

Maamulka Puntland oo Idaacadda Horseed Media ee magaalada Boosaaso albaabada isugu dhuftay

Mogadishu axad 7 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maamulka Puntland oo Idaacadda Horseed Media ee magaalada Boosaaso albaabada isugu dhuftay

Saakay aroornimadii hore abaara 7:00 subaxnimo ayaa albaabada la isugfu dhuftay idaacadda Horseed Media ee ka howlgasha magaalada Boosaaso, kaddib markii amarkaasi uu ku soo rogay maamulka Puntland ee goboladaasi ka arrimiya.

Md. C/Qani Xasan Dhegjar oo ah Agaasimaha idaacadda Horseed ayaa warbaahinta u sheegay in saakay xarunta idaacadda la soo gaarsiiyay warqad ka socota maamulka Puntland oo amreysa in albaabada la isugu dhufto idaacadda isla markaana la joojiyo howlihii warbaahineed ee ay gudbin jirtay.

Ciidmada Booliska Puntland oo saakay gaaray xarunta idaacadda iyagoo ku wargeliyay inay idaacadda damiyaan isla markaana ay tagaan saldhigga si su'aalo looga weydiiyo dembiyada lagu soo oogay oo ciidamadu ku sheegeen in idaacadda laga sii daayay warar lidi ku ah maamulka Puntland.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo maamulka Puntland albaabada u laabo Idaacadaha ka howlgala degaanada uu ka arrimiyo, iyadoo madaxda idaacadda ay iminka bilaabeen dadaallo ay ka dhex wadaan madaxda Puntland si mar kale ay idaacaddu dib hawada ugu gasho howlaheedii ay sii wadato.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)