Somali News
    Hees  

Alshabab oo xayiraad ku soo rogay hayada Islamic Relief

Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Alshabab oo xayiraad ku soo rogay hayada Islamic Relief

Sida lagu baahiyay boga Twitterka ee ku hadlay Afka xarakada Alshabab, waxaa hakad lagaliyay shaqadii samafleed ee hayada Islamic Relief ee ka howlgalijiray qeybo badan oo katirsan gobolada koofurta iyo bartamaha Somaliya.

Alshabab ayaa Twitterkooda ku sheegay in hayada Islamic relief ay shaqadii ka eryeen sababo la xariira eedeymo ay u jeediyeen Alshabab hayadan oo la xariira in ay u hogaansanto amaro ka soo baxay hogaanka Alshabab kaasoo hayadu ay ku guuldareysatay in ay u hogaansanto ayaa lagu yiri warka lagu qoray boga Twitterka Alshabab.

Alshabab ayaa ku eedeynaya in Islamic relief ay fulineysay mashaariicyo u gaar ah qaarkamida hayadaha qaramada midobay oo hore Shababka uga mamnuuceen in ay ka howlgalaan gobolada ay ka
taliyaan,sida hayada barmaamishka cuntada aduunka u qaabilsan qaramada midobay WFP, iyo kuwa kale.

Islamic relief wali kama aysan hadlin xayiraada lagu soo rogay howlaheedii samafalka oo ay ka heysay qeybo ka tirsan gobolada koofurta iyo bartamaha Somaliya.

Alshabab ayaa hore uga eryayay gobolada ay ka arimiyaan hayado farabadan oo kuwa reer galbeedka ah oo ay ka mid ahaayeen hayada laan qeyrta cas ICRC iyo kuwa kale.

Tan iyo markii Alshabab ay bilaabeen in ay xayiraad ku soo rogaan qaarkamida hayadaha samafalka ka howgalaya wadanka Somaliya waxaa sii darsanayay xaalada dadku lagu qiyaasay 12 million oo ruux kuwaas oo noloshooda ay aad ugu xirnayd gargaarka hayadaha samafalka ee ka shaqeynayay gobalada koofurta.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)