|
Madaxweynaha Oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Socotay Ururka Iskaashiga Islaamka “Sawirro”
Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka iyagoo ka wada hadlay sidii ciidamo ka socda wadamada Islaamka loogu soo biirin lahaa Ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya.
Wefdigan ballaaran ee ka socda Ururka iskaashiga Islaamka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno OIC ee maanta soo gaaray caasimadda dalka ee Muqdisho waxaa hoggaaminayay xog’hayaha guud ee Ururkaas, Kaamuludiin Ixsaan Oglo, waxaana markii ay soo gaareen Muqdisho si wanaagsan ugu soo dhaweeyey wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu hor kacayey wasiirka Gaashaandhigga iyo masuuliyiin kale.
Wefdiga ayaa loo soo galbiyey xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo kulan ay Albaada ku xiran yihiin kula qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
kulankaasi kaddib ayaa waxaa shir jaraa’id xarunta madaxtooyada ku qabtay xog-hayaha guud ee Ururuka Iskashiga Islaamka ee OIC Kamaaludii Ixsaan Oglo waxa uuna sheegay in markii ugu horeysay Ururka OCI ay la kulmeen dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliyda ay muddo dheer la lahaayeen Iskaashi caalami ah, haddana ay qorsheynayaan in sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xog’hayah ayaa ammaanay dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayey Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dhinaca kale Mr Ogle xog’hayaha guud ee OIC ayaa hoosta ka xariiqay in taariikh weyn ay u tahay in muddo 40 sano kaddib ay kulan la qaatan dowlad Soomaaliyeed oo taama, isagoo intaa raaciyey in taasi ay fududeeneyso Iskaashiga ka dhaxeeya.
Waa markii ugu horeysay oo Ururka Iskaashiga Islaamka masuuliyiin ka socotay soo gaaraan caasimadda dalka ee Muqdisho tan iyo markii la unkay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud, taasi oo fursad weyn sidoo kale u ah taageerada dowladda Soomaaliya uga imaaneysa Ururrada caalamiga ah.






Suldan A. Farahseed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|