|
Catherine Ashton: " Waxaan ugu talogalnay lacag dhan 82 million oo Euro si loo sii xoojiyo awooda ciidamada midowga Africa ee ku sugan
dalka Soomaaliya..."
Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Catherine Ashton: " Waxaan ugu talogalnay lacag dhan 82 million oo Euro si loo sii xoojiyo awooda ciidamada midowga Africa ee ku sugan
dalka Soomaaliya..."
Iyadoo lahadlaysay wakaalada DPA madaxa arimaha siyaasada dibada ee midowga Yurub Catherine Ashtonayaa xaqiijisay in midowga Africa uu
markale ugu deeqayo ururka midowga Africa lacag dhan 82 million oo Euro si loo sii xoojiyo awooda ciidamada midowga Africa ee ku sugan
dalka Soomaaliya.
"Midowga Europe waxaa uu ilgaar ah ku hayaa arimaha isbadalaya ee wadanka Somaliya, waxaana 82 million oo Euro oo horeleh lagu wareejin
doonaa xafiiska maaliyada ee ururka midowga Africa" ayey tiri Catherine Ashtonoo ah madaxa arimaha siyaada dibada ee midowga reer Yurub.
Catherine Ashton ayaa ku tilmaantay doorashadii afhayeenka baarlamaanka Somaliya, madaxweyna, iyo tan raisulwasaarahaba in ay
Somaliya u tahay bog cusub oo u bilowday taariiqda soo jireenka ee umada Somaliyeed.
Ururka midowga Yurub ayaa taageero isagu jirta tababarida ciidamada, dhaqaale iyo agabkaleba waxaa uu siiyaa dowlada Somaliya iyo howgalka
midowga Africa ee AMISOM.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|