|
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo deegaano hor leh ka saaray Al-Shabaab
Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo deegaano hor leh ka saaray Al-Shabaab.
Wararka naga soo gaaraya degmada Buur-hakaba ayaa sheegaya inay halkaasi isaga baxeen kooxda Al-shabaab, kadib markii ciidamada Dowlada iyo xoogaga AMISOM ay ku dhawaadeen degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiayada Shabaabku ay u carareen deegaanada howdka ah oo u dahxeeya gobolada Shabeelada Hoose iyo Bay, waxaana loo maleynayaa in halkaasi ay ku dhuumaaleysan doonaan, maadaama ay diideen maleeshiyaadkaasi baaqii ka soo yeeray dowlada Soomaaliyaa ee ahaa inay hubka dhigaan, isla markaana ay isa soo dhiibaan.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan Magaalada Walanweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose, iyadoo halkaasi ay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ku wajahan Degmada Buurhakaba oo ay Al-Shabaab isaga baxeen.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa bilihii u dambeeyay dagaalada ay wadaan waxa ay ku waayeen Degmooyin muhiim u ahaan jiray oo ay kamid yihiin aydhabo, Kismaayo, Marka, Beladweyne, Afgooye, Balcad, Afmadoow iyo deegaano kale oo dhowr ah oo ay ka talin jireen.








Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|