Somali News
    Hees  

Waxaa Wareysi lala yeeshay musharax Hanad xaashi axmed caydiid oo ka mid ah musharaxiinta golaha deegaanada ee Kulmiye

Hargeysa Isniin 8 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wareysi gaar ah oo aanu la yeelanay musharax Hanad xaashi axmed caydiid oo ka mid ah musharaxiinta golaha deegaanka ka sharaxan ee xisbiga kulmiye Caasimadda 317 waresigaasina waxa uu u dhacay sidan

Xildhibaan Waaya aragnimadaada siyaasadeed iyo taada maamul wax nooga sheeg?

Xildhibaan Waaya aragnimadaada siyaasadeed iyo mid maamul ee ad leedahay wax nooga sheeg?

Siyaasaddu horta waa shay caadi ah oo nolosha ka mid ah dhagaxaan guriga hortiisa taala waa inaad qorshe ama siyaasad cad u samaysaa markaa haddaan kaaga waramo waaya aragnimadayda siyaasadeed iyo tayda maamul Muddo dheer ayaan ka mid ahaa Xisbigh oo ka mid ah nolosha tusaale ahaan dhagaxaan gurigaaKulmiye aasaaskiisii laga bilaabo waxaanan uga hawl geli jiray magaalooyin ku yaala dalka ingriiska sida Bristol city iyo Manchester oo aan deggena midkiiba 10 sanadood, waxaanan sidoo kale ka hawlgeli jiray Ururo ay leeyihiin magaalooyinkaasi kaasi oo ah dhalinyaro oo ka shaqeeya hawlaha aasaasiga dhinaca adeegyadda bulshadda .

Waxaan sidoo kale maamule ka noqday iskuulo ku yaala dalka ingriiska oo ah kuwa wax lagu baro dadka qaxootiga ah waxaana iskuuladaasi ay hoos iman jireen dawladda ingriiska waxa kale oo aan shaqo ka qabtay Urur la odhan jiray Bristol city steering group oo ahaa urur ka shaqeeya adeegyadda arrimaha bulshadda waxaan sidoo kale aan la shaqeyn jiray city council ka magaalooyinkaasi Bristol iyo manchester

Haddii aad ku soo baxdo golaha deegaanka ee caasimadda dhinacyadii ayaad isleedahay wax waad ka qaban kartaa?

Horta haddii eebe igu guuleeyo inaan ku soo baxo golaha deegaanka ee caasimadda dhinacyadda aan isleeyahay waxbaad ka qaban kartaa ee aan hadda arkayo way badan yihiin nadaafaddu waa muhiim xashiishka in si weyn looga hawlgallo maamul hufan inay dadku helaan ayaanu ku dedaali doonaa waxaa ka mid ah Waddooyinkii caasimadda oo sharciyaddii lagu marayey waxbadan ka khaldanyihiin dhinaca gaadiidka waxaad arkaysaa basaskii oo nafar u istaagaya meel khaldan shilal badan ayaa ka yimaada malaha meelo cayiman oo ay istaagaan numbaro ayaanu u samayn doonaa basaska iyo Calaamadihii bus stop ka nidaam wanaagsan ayaanu u samayn doonaa dadkuna ku qancaan.

Waxaad iyana arkaysaa waddooyinkii hadda oo cidhiidhi farabadan ka jiraan oo guryaha nin kastaa gurigiisii dhagaxaan waaweyn ku hor xidhay waxyaabahaasi oo dhan waxbaanu ka qaban doonaa magaaladda jigjiga waxaad ku arkaysaa dhagaxaan la qoray oo waddadii lagu farashay oo qurux badan u yeeshay magaaladdii dhinaca caafimaadka waxaanu sharci u samayn doonaa huteeladda wax laga cuno oo ad qaarkood aad u saluugayso nadaafadooda markaa caafimaadka quutal daruuriga aad ayaanu uga hawlgeli doonaa bal tusaale ahaan kasoo qaad suuqii gobonimo waxaa ka dhacday buuq badan waa dantii guud dadkii ku xoogsanayay horta waa inay horta meelo ay kaga maarmi karaan loo sameeyo laakiin haddii iyadoo aan meelba loo samayn haddii la yidhaahdo xoog ha lagu muquuniyo oo ha lagu raro waa mushkilad taasi.


Waxaad musharax tahay Nin dhaliyaro ah ma jiraan waxyaaba gaar ah oo ad u qaban karto dhalinyarada oo hadda garoomaddii ay ku ciyaari lahaayeen qaarkood lagu tagri fallay dhinacyadaasi ma isleedahay wax ka qabo iyo waxyaaba la mid ah?

Ummaddi waxay wax ku tahay xoogeeda oo ah dhalinyaradda markaa haddii ay dhalinyarddii oo ah xoogii dalka hadday waayaan garoomo ay ku ciyaaraan waa mashaakil maaha ciyaaruhuna kubad oo keliya unbaa la ciyaarayaaye ciyaaruhu waa badan yihiin waa in qorshaha garoomo ciyaarahaasi kala duwan lagu ciyaarayo danta guud lagu darsadaa marka hore sidii meel kasta looga binayn lahaa waxaanay u baahantahay laba arrimood taasi in marka hore aynu ilaashano garoomadda hadda jirra imika haddii ad tagto xaafadda goljano iyo cakaara arki maysid meelo ay da,yartu ku ciyaarto side markaa intii banana la qorsheeyo ama loo iibiyaba da,yartu meelihii gaarka ahaa ee ay ku ciyaaraysay xooga ayaananu saari doonaa arrintaasi haddii eebe nagu guuleeyo hankaygan siyaasadeed ee aan u soo banbaxay.

Musharax ugu danbeyn maxaad fariin gaadhsiinaysaa dadweynaha reer somaliland inta ad codka ka doonayso iyo inta kaleba?

Horta marka hore waxaa loo baahanyahay marka hore inuu qofku alle ka cabsi yeesho haddii aanu taasi lahayn cidna wax u qaban maayo markaa yaan la odhanin kuwii hore ee aanu dooranayba waxba noo may qaban noqon mayno kuwo ilaawa dadkii soo doortay markaa maalin garb ah ayaanu u qorsheyn doonaa inaanu dadweynaha la shirno ama kulamadooda qof kastana waxaa laga rabaa inuu qofkuu codkiisa siin lahaa inuu noqdo qof aan ahayn mid albaabada ka xidha marka la doorto ballankii uu dadka la galayna inuu oofin karo ayaa muhiim ah.

Wariye Mohamed mussa inji
Hargeysa

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)