Somali News
    Hees  

Kulan shaqo Guddiga Odayaasha iyo Guddiga Fulita Jaaliyadda Afkrikas Horn Örebro

Örebro Isniin 8 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kulan shaqo galabta ay yeeshen Guddiga Odayaasha iyo Guddiga Fulinta Jaaliyadda Afkrikas Horn Kultur Center ayaa ka qabsoomay Xarunta Jaaliyadda ee Magaaldan Orebro.

Waxey ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayen :
1- Dib u eegid xubnaha ka banaan Guddiga Jaaliyadda.
2- Xeerka Jaaliyadda.
3-Xubin nimada Jaaliyadda.

Warbixino iyo is wareysiyo ka gadaal Guddiga Odayaasha wuxuu ku bogaadiyay dhowrkii
bilood ay xilka hayeen xubnaha cusub ee Jaaliyadda iney wax badan qabteen.

Dhamaan arrimihi madasha la hor keenay,si wanaagsan ayey uga dooden meel fiicana
isla dhigeen,ayado la wada qaatay in kulumada iyo wacyi gelinta la korhiyo.

Talaabada ugu horeyso la qaadayo waxey noqoneysa taageridda Dowladda cusub ee
Soomaliya ka dhaltay.







Hassan Osman Orebro.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)