Somali News
    Hees  

Wafdii uu Hogaaminaayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay Dalka Uganda

Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wafdii uu Hogaaminaayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay Dalka Uganda.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo ku siijeeda magaalada Kampalla ee dalka Uganda.

Madaxweynha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaaya wasiiro ka tirsan dowladda, Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya agaasimaha nabadsugida iyo saraakiil kale oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in magaalada Kambaala ee wadanka Uganda uga qeyb galayo sanad guuradii 50 ee ka soo wareegtay xoriyada dalkaasi, isagoona kulamo la qaadan doono dhigiisa dalka Uganda Uweri Musanfani.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa in magaalada Kambaala uu kulamo kula qaato Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi.

Dowladda Uganda ayaa u dabaaldagaysa maalinta xurnimadeeda qaadatay oo ku began 10 bishii September, iyadoo munaasabadaasi ay ka soo qaybgalayaan Madax fara badan oo ka kala socota qaar ka mid ah Wadamada Afrika.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)