|
AMISOM oo sheegtay in qabashada Walaweyn ay muhiimad weyn u leedahay
Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AMISOM oo sheegtay in qabashada Walaweyn ay muhiimad weyn u leedahay.
Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska warbaahinta AMISOM ayaa lagu sheegay in qabashada degamada Walaweyn ay muhiimad weyn u leedahay
howlgalka lagula dagaalamayo dhaqdhaqaaqa Alshabab.
Taliyaha ciidamada midowga Afirca General Andrew Gutti oo warsaxaafadadkan ku xusan ayaa muhiimad gaara siiyay qabsashada
degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, "Qabashada Walaweyn ee ciidamada Somaliyed iyo kuwa AMISOM waxaa ay
xoriyad siineysaa shacabka ku dhaqan degaanadaasi oo ku godoonsanaa in muda ah.
Waxay muhiim u tahay isku socodka ganacsigooda, iyo sdioo kale in hayadaha gargaarku ay markale dib uga howlgalaan goobahaasi ay
Shabababka u diideen in kooxaha samafalka ay ka howlgalaan.
Taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutii waxaa uu sheegay in ciidamda Somalida iyo kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku
qabsanayaan qaarka mida magaalooyinka ku yaala gobolada ay ka taliyaan Alshabaab.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|