Somali News
    Hees  

Kooxda Al-shabaab oo Malayshiyaad soo dhoobay deegaanka Goob weyn oo ku yaalla ee Gobalka Jubadda Hoose

Mogadishu Talaado 9 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxda Al-shabaab oo Malayshiyaad soo dhoobay deegaanka Goob weyn oo ku yaalla ee Gobalka Jubadda Hoose

Sida laga helaayo ilo ku sugan deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25-KM dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo waxaa xalay saqdii dhexe la sheegay ay deegaankaasi gaarayeen Malayshiyaadkii Al-shabaab ee laga soo saaray Kismaayo kuwaa oo ku hubeysan hub u badan kuwa culus ee lagu xiro gaadiidka dagaalka.

Malayshiyaadka ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku jiraan kuwa kale oo isaga kala yimid degaano badan oo Alshabaab laga soo saaray waxaana ay dadka degaanku sheegeen in laga yaabo Ciidankaas in ay isku dayaan duulaan ay ku qaadaan magaaladii ugu muhiim saneed ee todobaadkii hore laga faramaroojiyay waa Kismaayo.

Militriga dowladda Soomaalia iyo kuwa Kenya ayaa xiligan gacanta ku haaya Kismaayo oo Alshabaab xaruun u aheed mudo 5 Sano ah waxaana ciidanka labada wadan ay xiligan ku suganyihiin deegaan lagu magacaabo Madhamaato oo qiyaastii aad ugu dhow deegaanka Goobweyn oo ay Alshabaabtu isku uruursanayaan iyadoo ay jirto cabsi laga qabo dagaal ka dhex qarxa.

Lumintii ay Alshabaab lumiyeen Gacan ku heynta Kismaayo waxa ay ku noqotay dhabar jab aad u xun waxaana la qiyaasayaa in ay wadaan isku daygii ugu dambeeyay oo ay kaga quusanayaan Maamulka Kismaayo oo dhaqaale badan uu ka soo gali jiray

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)