|
Qarax Bam khasaare logu geystay Askar ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo ka howgalayay Suuqa weyn ee Bakaaraha
Mogadishu Talaado 9 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qarax Bam khasaare logu geystay Askar ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo ka howgalayay Suuqa weyn ee Bakaaraha
Inta la ogyahay Hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay ilaa 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii bamb nuuca gacanta laga tuuro ah gallinkii dambe ee shalay lagu weeraray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya ee ka howgall gudaha suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
dad Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad badan oo dhaawacyo qaba, oo halkaasi looga qaadayay iyadoo loo isticmaalayo gaadiidka gargaarka deg-degga .
Sida uu xaqiijiyay Col. Axmed Xasan Maalin waxaa isla goobtaba ku naf waayay Askari iyo qof shacab ah waxyana dhaawacmayo kasoo gaareen toban qof oo kale .
Waxaa uu Taliyuhu intaas ku daray inay qabteen saddex qof oo ay aad ugu tuhunsan yihiin inay ka dambeeyeen weerarka bambaano ayna sharciga marsiin doonaan, isagoo xusayu in la adkeynayo ammaanka guud ee suuqa Bakaaraha.
Weerarkan oo dhacay gabal-dhicii shalay xilli ay dadku ka rawaxayeen suuqa ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo mudo todobaadyo ah ka dhaca suuqaas oo ah midka ugu weyn Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|