|
Kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo lagu qabtay xarunta Wasaaradaas
Mogadishu Talaado 9 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo lagu qabtay xarunta Wasaaradaas
Xarunta Wasaaradda Gaadiidka Gaadiidka Badda, Dekedaha, cirka iyo dhulka ee magaalada Muqdisho ka dhacay maanta ayaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha kala duwan ee Wasaaradda xilligaan ka socda iyo dib u eegis waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda mudadii ay shaqeyneysay.
Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, BAdda iyo Dekedaha, Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Aadan C/raxmaan Aadan, Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir K/Xigeenka, Agaasimaha guud ee Wasaaradaas Md. Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo shaqaalaha Wasaaradaasi.
Wasiirka Badda iyo Dekedaha ayaa kulankaasi khudbad u jeediyay madaxda iyo shaqaalaha qeybaha ay Wasaaradda ka kooban tahay, wuxuuna Wasiirku ku ammaanay dhammaanba xubnaha Wasaaradaasi ka howlgala waxqabadkooda mudada ay Wasaaradda shaqeyneysay sanadadii 2011--2012-ka.
Wasiirka wuxuu ugu baaqay mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha inay dadalkooda laba laabaan maadaama xilligaan la gelaayo isbedel siyaasadeed dhowaanna la sugayo in la soo magacaabo xukuumad cusub, isagoo hoosta ka xariiqay in dadaalkii iyo isku duubnidii ay muujiyeen madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ay maanta cadahay mar haddii Wasaaradii 21-ka sano burbursaneyd ay cagaheeda ku istaagtay kuna shaqeyso xaruntoodii ay lahayd.
"Waxaad la socotiin in la soo magacaabay Ra'iisal Wasaare cusub, kaasoo soo dhisaayo xukuumad cusub, sidaa awgeed haddii aan anagu ku soo laabano Wasaaradda iyo haddii aan ka tagnaba waxaa la idinkaga baahan yahay inaad buuxda siisaan cid kasta ee loo soo magacaabo Wasaaradaan sidii ay u gudan lahayd waajibaadkeeda maadaama Wasaaradani ay tahay Wasaarad waxsoosaar oo bad iyo berriba leh" ayuu yiri Wasiirka Aadan C/raxmaan Aadan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo isna hadlay ayaa ku ammaanay shaqaalaha kala duwan ee Wasaaraddaasi mudadii howsha ku soo wada jireen, wuxuuna sheegay in shaqaalaha ay yihiin shaqaale karti u leh waxsoosaarka kala duwan, wuxuuna xusay in looga baahan yahay inay haatan dadaalkooda laba jibaaraan.
Gabagabadii kulankaas waxaa lagu magacaabay laba waaxood oo kala ah: IT-ga iyo Waaxda Arkifiyada, kuwaasoo sida ugu dhaqsiyaha badan howlahooda u guda geli doona.



Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|