Somali News
    Hees  

Eritrea oo mar kale sheegtay inaysan Al-Shabab wax xiriir ah la laheyn

Mogadishu Talaado 9 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Eritrea oo mar kale sheegtay inaysan Al-Shabab wax xiriir ah la laheyn

Dowladda Eretea ayaa golaha amaanka ee QM ka dalbatay in laga qaado cunaqabateyntii la saaray sanadkii 2009-ka maadaama lagu waayay eedeymihii loo soo jeediyay oo aheyd in taageero maalyadeed iyo mid mid militeria ay siiso xarakada Al shabab.

Dalabkan ayaa dowladda Ereterea waxa ay ku muujisay warqad ay u qortay golaha amaanka ee QM oo ku taariikhsaneyd 27 September balse warbaahintu ay heshay saacadihii la soo dhaafay .

Dowladda Eretrea ayaa fariinta ay u dirtay golaha amaanka ee QM waxa ay ku sheegtay maadaama guddiga dabagalka ee QM ay soo ogaadeen inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dowladda eretrea ay hub ku taageertay al shabab , waxaa dowladda Eretrea ay dalbaneysaa in laga qaado cunaqabateynta la saaray.

Dowladda Eretrea oo ku taala badda cas ayaa wadamada qaar ee ku yaala bariga africa waxa ay ku eedeeyeen in taageero buuxda ay siiso xarakada al shabab balse markii warbixin QM guddigeeda baaritaanada ay soo saareen ay ku sheegeyn in eedeymaha Eretrea loo soo jeediyay ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)