|
Markab dagaal oo dowladda Spain ay leedahay oo badbaadiyay 68 ruux oo Soomaali u badan oo saarnaa Dooni
Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Markab dagaal oo dowladda Spain ay leedahay oo badbaadiyay 68 ruux oo Soomaali u badan oo saarnaa Dooni.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed maanta ka soo baxay ururka midowga Yurub oo qeybta ka ah howlgalka Atlanta ee la dagaalanka burcad badeedda Markab dagaal oo dowladda Spain ay leedahay ayaa badbaadiyay 68 ruux oo Soomaali u badan kuwaas oo saarnaa doon ay ka soo raaceen xeebta magaalada Boosaaso , waxana ay ku wajahnaayeen gacanka Cadan si ay u galaan dalka yeman.
Warka ka soo baxay midowga yurub ayaa lagu sheegay in dadka la badbaadiyay ay ahaayeen kuwo nafsaddooda ay halis ku jirto islamarkaana marayay meel 185 kilomitir u jirta biyaha somalia .
“Waxaan heynaa 68 ruux oo soomaali u badan kuwaas oo aan badbaadinnay iyagoo nafsaddooda ay qatar ku jirto”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ururka midowga Yurub.
Marar badan ayaa sidoo kale loo badbaadiyay dad soomaali u badan oo saarnaa doon kuna wajahnaa dalka Yemen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|