Somali News
    Hees  

Tahriibayaashii ugu badnaa oo Soomaali ah oo gaaray xeebaha dalka Yemen

Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Tahriibayaashii ugu badnaa oo Soomaali ah oo gaaray xeebaha dalka Yemen.

Kun iyo lix ruux oo qaxooti afrikaan ah ayaa dalka Yemen gaaray maalmihii la soo dhaafay kuwaas oo 992 kamid ah ay yihiin Somalia una badan haween iyo caruur sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha dalka Yemen.

Soomaalida Yemen gaartay ayaa wasaaradda arimaha gudaha dalka yeman waxa ay sheegtay in 253 ruux ay yihiin haween 39-na ay yihiin caruur kuwaas oo xeebaha Soomaaliya ka soo raacay doonyo kana soo degay xeebaha yeman ee ku kala yaala gobollada Shabwah , Abyan iyo Xadramoot.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha dalka yeman oo la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay aad u kordheen tirada dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya dalka somalia kuwaas oo qaarkood ay la qallibanto doonta ay saaran yihiin.

Malaayiin ruux oo soomaali ah ayaa dalka somalia isaga cararay bur burkii dowladdii dhexe kadib , waxayna maciin bideen inay nolol wanaagsan u raadsadaan dalal Soomaaliya ka baxsan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)