|
Musharax C/wali Max'ed Cali Gaas oo ka tanasulay in tartanka madaxweynaha qeebtii labaad
Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Raisalwasaarahii Soomaaliya isla markaana ka mid ahaa Musharaxiinta Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya C/wali Maxed Cali Gaas ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska Casilay isla markaana uu isaga haray u tartamidii Xilka Madaxtinimada Dalka mar uu la hadlayay Xildhibaanadii Shirka Codeynta joogtay ayaa wuxuu hoosta ka xaqiiqay in xildhibaanada ay u hiiliyaan isbadal oo loo micneysan karo in uu ugu baaqay xilidhibaanada in ay codka ugu shubaan Musharax aan aheen Sheikh Shariif.
Waxaa sidoo kale isna ka tanaasulay Musharax C/qaadir Cali Cosoble taas oo ka dhigeysa in ay isugu soo hareen tartanka labada musharax ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo 64 cod helay wareegii koowaad iyo Xasan Sheikh Maxamuud oo isna wareegi koowaad 60 Cod waxaana laga dhursugayaa Musharaxa ku guuleystay wareegan Saddexaad ee ugu dambeya
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|