Somali News
    Hees  

See u arkaan dadka reer Bossaso dorashada manta ka dhacaysa caasumada dalka ee Muqdisho

Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


See u arkaan dadka reer Bossaso dorashada manta ka dhacaysa caasumada dalka ee Muqdisho

Iyadoo  lagu wado in manta ladoorto madaxwayne  rasmi ah  kaas  ay  hada xilkiisa  utaaganyihiin  musharaxiin gaaraysa  25 musharax.

Hadaba waxa  an dhexmaray dadwaynaha ku nool magaalada Bossaso taas  oo an wax kawaydiinayey sida ay u arkaan  doorashada kadhacaysa Muqdisho  iyo waliba cida ay jecelyihiin in uu ku gulaysto xilka madaxtinimada dalka.

Cismaan maxamed omar  waa  ganacsade kunool magaalada Bossaso  waxaana aan wax kawaydiiyey  siada uu arko qaabka ay usocoto doorashada madaxtinimada iyo waliba cida uu jecelyahay inuu ku guulaysto xilka (waxaan u arkaa inaysan nadaamka faderaalka ah aysan anfacayn dalka  taas oo sababi  karta inaan dawladu wax  awood ah lahayn ) ayuu iigu jwaabay  mar aan wax kawaydiiyey  doorashada kasocota dalka.

Dadka kunool Gobolkan Bari gaar ahaan magaalada Bossaso  ayaa  ah   dad  badankoodu  aad utaagersanyihiin  doorashada kasocota dalka gaara ahaan caasumada Muqdish.

Sidoo kale  yasiin  cabdi  ayaa usna  aan wax kawaydiiyey  sida uu arko  doorashada kasocota dalka  (marka hore  waa ilaah mahadiis  in  wadanka gudihiisa  ay ka dhacdo mudo labaatan iyo dhawrsano kadib ah doorasho   taas  oo    asbuuci hore laoo doortay  gudoonka  cusub ee  xildhibanaada   sida Maxamad  sheikh  cisman (Jawaari) iyo waliba ku xigaeenadiisa . ayaad  ugu hanbalyaynayaa  hadana . tan lagu dooranayo madaxwaynaha  waan  ku faraxsanahy  waxaana leeyahay  in ay xildhibaanadu doortan  nin ay ku aaminaan  dalka. waxna kabadali kara waana taageersanahay  cidii ku guulaysata xilka madaxtinimada  ) ayuu ku jawabay  mudanahaas  fikriadiisa  ka dhiibtay doorashada maanta kadhacaysa  caasumada dalka Soomaliya ee  Muqdisho  

Sidoo kale waxaa usna aan wax kawaydiiyey   Cabdi maxamad nur  sida  uu arko doorashada  madaxtinimado  (waxaan u arkaa  guul usoo hoyatay dalka iyo  dadka soomaliyeed  waana wax ilaah lagu mahadiyo waxana  aan  aad utaageraya  xilka madaxtinimo inay kusoo baxaan  laba musharax kuwaas oo kala ah Cbdiraxman (Baadiyo) iyo  Shiikh  Shariif axmad ).

Waxaan isna kula kulmay aqoonyahay cali yuusuf faatax(cali mahdi) ayaan usna wax kawaydiiyey doorashada kasocota magaala madaxda dalka ayaa iigu jwabay “ awala ilaah ayaa mahad leh suura galiyey in doorasho xor ah oo xalaal ah, ku qabsoonto dalkeena hooyo  intaa kabacdi hadan kawaramo darenkayga doorashada  kadhacaysa magaalada Muqdisho waxaan oran waa tariikh iyo fursad qaali ah oo soo madhay dalka somaliya . musharaxa aan jeclhay inu kusoo baxo doorashada waa musharax aan jeclahay in laga helo 5 arimood oo kala ha  1-inuu yahay aqoonyaha n ah 2-inuu yahay muwadin  3-inuu noqdaa nin uqamaya badbaadiyana umadda soomaliyeed  ee meel walba ku dayacan  4- inuu noqdo nin aamin ah 5-inuu yahay nin lle kacabsada   waxaana ilaah kabaryeeynaa inuu  xilka ku guuleeyo nin  intaas leh  una quma ama isu taiga  wax tarka dalka iyo dadkaba waxaan sidoo kale taageersanahay ciii ku gulaysata  xilkaaa waxanse aad ujeclahay Maxamad cabdulahi (Farmaajo ).

Shacabka ku dhaqan magaalada Bossaso  ayaa iyana ah kuwa aad usugaya doorashada manta kadhacaysa magaalada Muqdisho waxayna aad utaagersanyihiin musharaxa Maxmad Cabdulahi (Farmaajo )  iyadoo waliba saaka shacab isugusoo  baxeen gudaha magaalada kuwaaas oo tageersanaa Maxamad Cabdulahi (Farmaajo.

Sida aan wada ogsoonahay waxaa  asbuucii hore la asnixiyey  gudonka  cusub ee  Baarlamaanka  Maxamad Shiikh Cisman (Jawaari) iyo waliba ku xigeenadisa. Maanta ilaa caawana lafilaaya in ay xildhibaanadu soodoortan madaxwayne ku yimi si xalaal ah.

Guud ahaan jawiga magaalada Bossaso  ayaa saakaa ah mid aad ukacsan lagana war sugayo xildhibaanada 275ta ah inay usoo doortaan dalka  madaxwayne ku yimi si xalaal ah waxaana.

Iyadoo  dawlada Puntland ay sheegtay inaysan aqbalayan natiijada kasoo baxda dorashadaas iyadoo ay lasocoto  musuqmaasuq  sikastaba ha aate  waxaa  indhaha lagu wada hayaa  dhamaan dalka doorashada kasocota caasumadda  Muqdsho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)