|
Afhayeenka guud ee dalada axsaabta siyasadeed ee Djibouti ( UAD ) oo u Hambalyeynaayo madaweyne Xasan Shiikh Maxamuud
Isniin 10 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Ku: Afhayeenka guud ee dalada axsaabta siyasadeed ee Djibouti ( UAD )
ahna wakilka xisbiga UDJ u jooga wadamada Beneluxega
Ujeedo: Hambalyo ku socota madaweyne Xasan Shiikh Maxamuud
ku taarikheysan 10 09 2012
Anoo ku hadlaayo magaca dadweynah Jamhuuriyadda Jabuuti iyo axsaabta siyasadeed ee u hogaamiyo Cismaciil Geedi Xared waxaan ku soo direyna dhambaal hambalyo iyo taageero iskugu jiraa oo aan kugu hambalyeyneyno xilka lagu doortey maanta ay taarikhdu tahey 10 09 2012
Shabiga Jabuuti oo ay wadaagaan shacbiga soomaaliyeed wadadhalasho taarikhiya waxaa ay maanta la wadagaan dadweynaha soomaaliyeed farxadda doorashada madaxtiinimo ee aad ku guleysatey mudane madaxweyne (Xasan Shiikh Maxamuud) sido kale shacbiga Jabuuti iyo madaxda axsaabta siyaasadeed waxa ay ku boorinayaan aqoon-yahan iyo odyaal-dhaqaameedka soomaaliyeed in ay kaa qeybqaataan dib u dhiska nabadeed ee lamoodo in u baryahan dambe soo indo biriqsanaayo
Sido kale madaxa dalada UAD(Union for Democratic Change) oo ay ku bahoobeen sadex xisbi siyasadeed oo kala ah UDJ, ARD iyo MRD Cismaciil Geedi Xared ahna madaxa xisbiga UDJ waxaa u sii gaar ah kugu tahniyadeynayaa sida wanaagsan ee nadiifta ah ee ay ku doorteen wakiilada dadweynaha Soomaaliyeed oo ay kugu siiyeen kalsooni 190 cod ah waxaana ku leenahey hambalyo waxaan sido kale Eebe ka rajeyneyna in u kula qabto xilka culus ee ku horyaal
Eebe ayaa mahadle
Afhayeenka guud ee dalada axsaabta siyasadeed ee Djibouti ( UAD )
ahna wakilka xisbiga UDJ u jooga wadamada Beneluxe
Ahmed Reyale
Tel: 0032 485 601 446
Tel: 00253 77 82 99 99
E mail: info@udj-djibouti.com
Website: www. udj-djibouti.com
Bruxelles (Belgium)
soodiray A Reyale
reyale_71@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|