Somali News
    Hees  

Maanta oo lagu wado in la dhaariyo Xubnihii loo diidanaa ka mid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya. (Magacyada Xubnahaasi)

Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Maanta oo lagu wado in la dhaariyo Xubnihii loo diidanaa ka mid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya. (Magacyada Xubnahaasi)

Xildhibaan Faarax Nuur Jaamac Afayeenka Gudigii uu baarlamaanka Federaalka Soomalia u saaray inay xal ka soo gaaraan Xubnihii ay doodu ka taagneed ee loo diiday in ay ka mid Noqdaan Baarlamaanka ayaa si cad u sheegay inay go'aan ka Gaareen Xubnahaasi ayna Go'aamiyeen in ay ka mid Noqdaan Baarlamaanka Soomaalia isla markaana ka qayb qaataan doorashada Madaxwaynaha ee lagu wado in Maanta ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Faarax Nuur waxa uu sheegay in markii ay sameeyeen daraasad dheer oo ay sameeyeen usoo baxday in dadkaan aysan ahayn dad galay dambiyada la sheegay ayna ku raaceen Maxkamada Sare ee Dalka Go'aankii ay gaartay ee ahaa in ay ka mid Noqdaan Baarlamaanka .

Dhinaca kale xubnahaan uu Muranku ka jiray ayaa waxay gaarayaan ilaa 16 Xubnood ayaa magacyadooda waxay kala yihiin sidan:

Maxamed Qanyare Afrax

Bootaan Ciise Caalin

Cumer Maxamuud Maxamed Finish

Aadan Maxamed Nuur Aadan Madobe

Maxamed Ibraahim Xaabsade

Cabdi Casiis Sheikh Yuusuf

Cabdi raxmaan Xaaji Aadan Ibi

Axmed Ducaale Geele Xaaf

Xirsi Aadan Rooble

Cabdi Qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf

Maxamed Farax Jimcaale

Aadan Maxamed Nuur Aadan Saran soor

Maxamed Xuseen Isaaaq Afaraale

Maxamed Xuseen Nuur Xagaafe

C/laahi Sheikh Ismaaciil

Goordhow ayaa lagu wadaa in la dhaariyo xildhibaanadaasi lagu murunsanaa mudada dheer, waxaana hadda lagu sii qul qulaayaa xarunta Iskool Boliisiyo ee Magaalada Muqdisho, waxaana goordhow bilaabanaaya Doorashada cidii noqon lahayd madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)