Somali News
    Hees  

Madaxweyne Sheekh Shariif oo shaaca ka qaaday Rajada uu ka qabo in mar kale dib loo soo Doorto

Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Sheekh Shariif oo shaaca ka qaaday Rajada uu ka qabo in mar kale dib loo soo Doorto.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in laga guuleysto uu noqondoono mid la shaqeynaya Madaxweynaha ka guuleysta, wuxuuna sheegay inuu isagu taageersan yahay in dalka doorasho madax banaan ka dhacdo.

Madaxweyne Sharif oo la hadlatyay Idaacadd VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadlay rajada uu ka qabo in la doorto, iyadoo uu sheegay in uu filayo in uu ku soo bixi doono Madaxweynaha Afarta Sanno ee nagu soo aadan, islamarkaana uu si aad ah ugu rajo weyn yahay in mar kale dib u doorto.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu tilmaamay in uu yahay nin haatan la socda xaaladda dhinac waliba ee Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Musharaxiinta kale ku adagtahay Siyaasada Soomaaliya Xiligaan.

"Haddii ay dhacdo in la iga guulaysto doorashada waxaan taageeri doonaa qofki iga guulaysta" ayuu yiri Madaxweyne Sharif oo sheegay in qofkii ugu horeeyo ee la sheqeyn doono dowladda.

Dhinaca kale musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynenimo ayaa loo saadaalinayaa inay wareega hore u soo baxaan Musharaxiinta kala ah Sheekh Shariif Sh Axmed Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo C/laahi Axmed Cadow iyo kuwo kale.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)