Somali News
    Hees  

Madaxweyne Siilaanyo  oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dawlada Federaalka Somaliya Md Xasan Sh. Maxamuud

Hargeysa Talaado 11 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Siilaanyo  oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dawlada Federaalka Somaliya Md Xasan Sh. Maxamuud.  

Marka hore Aniga oo ku hadlaya magaca qaranka Somaliland, waxaan doonayaa in aan halkan ugu hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee xalay baarlamaanka dalka Soomaaliya ay ku doorteen Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya afarta Sanno ee soo socda.

Waxa kaloo aan hambalyaynayaa Madxweynihii hore ee Ku meel-gaadhka  ahaa Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo aqbalay natiijadii ka soo baxday Doorashadaasi.

Xukuumadda iyo shacabka Somaliland waxaa uu muddo dheer ka damqanayay dhibaatadii ma-hadhiwaaga ahayd ee haysatay dalka iyo dadka soomaaliya.

Doorashadan  haatan waxaanu, qaran ahaan u aragnaa in ay tahay fursad ay ka abuurmi karto deganaansho iyo nidaam maamul dawladeed oo dalkaasi gaadhsiin kara doorasho dadweynaha dalkaasi ay si toos ah u soo doortaan madaxweynahooda sida Somaliland ay ku dhaqanto oo kale.

Mudane, Madaxweyne waxa ay Dawlada iyo Shacbiga Somaliland ay  ku rajaynayaan in illaahay xilkaaga ku fudaydiyo, isla markaana aynu noqono laba dawladood oo ka wada shaqeeya maslaxada, iyo Nabadgelyada Mandaqada aynu ku nool nahay.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388 
mustaqbal7@hotmail.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)